Wednesday, November 11, 2026

Hogaamiyaha Koonfurgalbeed Oo Booqanaya Baraawe

Share

Baraawe, Soomaaliya – Hogaamiyaha Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lafilayaa inuu maalinta barrito ah booqasho ku soo gaaro magaaladda Baraawe ee caasimadda gobolka Shabeelaha hoose sidoo kalana ah caasimadda maamulka Koonfurgalbeed.

Ilaalada gaarka ah ee Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha Baraawe iyagoo hor dhac u’ah safarka Madoobe ee Baraawe.

Hogaamiyaha Koonfurgalbeed ayaa safarkiisa Baraawe uu noqon doonaa kiisii ugu horeeyay uu ku tago deegaan ka tirsan Koonfurgalbeed tan iyo markii loo doortay hogaaminta Koonfurgalbeed 10 kii June ee sanadkan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dabayaaqada todobaadkii kii hore iyo bilowga midkan gaba gabada ah Dhuusamareeb iyo Jowhar kaga qeybgalay caleema saarka hogaanka cusub ee Galmudug iyo Hirshabeelle.

Afhayeenka Koonfurgalbeed Maxamed Cabdullaahi Xaayow oo u waramay warteelka Arlaadi ayaa sheegay, “In qorshaha hogaamiyaha uu ahaa inuu safaro ku bixiyo dhamaan degmooyinka, hase yeeshee Shabaabka soo galay ay hakiyeen, balse uu tagi doono, Baraawe uu tagi doono bulshadana uu la hadli doono.”

Maamulka uu hogaamiyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa lakulmaya caqabad ka dhan ah maamulkiisa kadib markii degmooyinka qaar ay gacanta ku dhigeen kooxda Alshabaab oo garabsaneysa madaxweynihii hore ee Cabdicasiis Laftagareen.

Read more

Local News