Muqdisho (Arlaadi) – Dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii soo dhaweysay go’aanka Mareykanka uu dib ugu bilaabayo taageerada howlgalka milatari ee caalamiga ah ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaddib markii uu hore u jaray dhaqaalihii uu siin jiray howlgalka, taasoo halis gelisay sii socoshadiisa.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa Mareykanka ugu mahadcelisay inay dib u cusboonaysiisay maalgelinta, iyadoo ku tilmaantay Mareykanka “saaxiib aan leexleexad lahayn”.
Waxay sheegtay in go’aankaasi uu xoojinayo iskaashiga muddada dheer ee Soomaaliya iyo Mareykanka ee dagaalka wadajirka ah ee ka dhanka ah argagixisada.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Soomaaliya ay si tartiib ah ula wareegayaan mas’uuliyadda howlgalada milatari ee ay hore u hoggaaminayeen ciidamada caalamiga ah, isla markaana “magaalooyinka waaweyn badankood iyo qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay hadda ka jiraan nabad iyo xasillooni ka wanaagsan sidii hore”.
Mareykanka ayaa horay u joojiyay maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaasoo taageero dhinaca saadka ah siiya howlgalka milatari ee Midowga Afrika, Washington ayaa sidoo kale xafiiska siisay illaa dhammaadka sannadka 2027 si uu gebi ahaanba u soo afjaro shaqadiisa.
S ida ay qortay wakaalada wararka ee AFP, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in, kaddib qiimeyn, Washington ay go’aansatay inay taageerto muddo hal sano ah oo lagu kordhinayo waajibaadka UNSOS iyo Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Diblomaasi ajnabi ah oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya, kana hadlay wakaaladda wararka ee AFP, ayaa sheegay in dib u soo laabashada taageerada Mareykanku tahay arrin wanaagsan, balse isbeddellada degdegga ah ee siyaasadda Washington uu ku tilmaamay kuwo aan macquul ahayn.

