Wednesday, November 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Imaaraadka Ku Eedeeyay Faragelinta Soomaaliya

Share

Mogadisho, Somalia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay si joogto ah u farageliso arrimaha gudaha Soomaaliya, wiiqdo madax-bannaanida dalka, isla markaana taageerto kala qaybsanaan siyaasadeed iyo mid amni oo halis ku ah midnimada qaranka. Madaxweynaha ayaa eedeymahan jeediyay khudbad telefishin laga sii daayay oo uu kaga hadlayay sababaha xumaaday xiriirka labada dal.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadku ay wadaagaan xiriir taariikhi ah, diimeed, dhaqan iyo ganacsi, isagoo xusay in Imaaraadku uu martigeliyay kumannaan Soomaali ah intii lagu jiray dagaalladii sokeeye, isla markaana uu ka qayb qaatay abuurista fursado shaqo iyo fududeynta xawaaladaha. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in siyaasadaha dambe ee Imaaraadku ay dhaawaceen kalsoonidii saldhigga u ahayd xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu heshiisyo la xiriira dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo la galay maamullada gobollada, isaga oo aan kala tashan dowladda federaalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dekedahaasi yihiin hanti qaran oo istiraatiiji ah, isla markaana heshiisyada khuseeya hantida qaranka ay tahay in lala galo dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Abu Dhabi inay dhistay saldhigyo milatari iyo ciidamo amni oo ka baxsan nidaamka amniga qaranka, iyada oo aan oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya. Dhinaca siyaasadda, wuxuu sheegay in Imaaraadku taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed siiyo qaar ka mid ah maamullada gobollada si ay uga horyimaadaan dowladda federaalka, taas oo uu ku tilmaamay mid sii hurinaysa khilaafaadka gudaha dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, isagoo Imaaraadka ku eedeeyay inuu door weyn ku lahaa arrintaas, isla markaana uu diiday inuu saxiixo bayaanno ay si wadajir ah u soo saareen dalalka Carabta iyo Islaamka oo tallaabadaas ku cambaareeyay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Read more

Local News