Muqdisho, Somalia – Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday olole lagu ururinayo deeqo lacageed oo lagu caawinayo maxaabiista dhammeystay muddadii xukunkooda, balse weli xabsiyada ugu jira sababo la xariira deymaha iyo magdhowga lacageed ee lagu leeyahay.
Ololahan oo loogu magac daray Taageerada Maxaabiista Deymaha Lagu Leeyahay ayaa Maanta lagu daahfuray magaalada Muqdisho, iyadoo ujeeddadiisu tahay in dadka xukunnadooda dhammeystay ee ay weli xabsiyada ku hayaan waajibaadka maaliyadeed loo helo gargaar ay ku bixiyaan lacagaha lagu leeyahay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in maxaabiis qaarkood ay dhammeysteen muddadii xabsiga ee maxkamaduhu ku xukumeen, balse ay weli xiran yihiin sababo la xiriira awood la’aan dhaqaale oo u diiday inay bixiyaan deymaha iyo magdhowga lagu leeyahay.
Xogta lagu soo bandhigay shirkii lagu daahfuray ololaha ayaa muujisay in 292 maxbuus ay xabsiga dhexe ee Muqdisho ugu xiran yihiin deymo iyo waajibaad lacageed, kuwaas oo wadartoodu gaareyso ku dhowaad 11.1 milyan oo doollar. Maxaabiistaas waxaa ku jira 188 qof oo da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 60 sano, toddobo waayeel ah, 10 haween ah iyo 35 qof oo ka yar 20 sano.
Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in 127 qof lagu xiray deymo intii u dhexeysay 2025 iyo 2026, iyadoo ololahan uu qayb ka yahay dadaallada lagu caawinayo maxaabiista aan awoodin inay iska bixiyaan waajibaadkooda lacageed, si ay dib ugu helaan xorriyaddooda.

