DHUUSOMAREEB – Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, oo ay wehliyaan madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Golaha wakiillada Mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa furay kalfadhiga 9-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug.Â
QoorQoor oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa Golaha uga mahad celiyay waxqabadkii ballaarnaa ee soo qabteen kalfadhiyadii lasoo dhaafay iyo isla xisaabtanka joogtada ah ee ay wadaan mudanayaasha Golahu, isagoo sidoo kale ammaanay howlaha hortabinta u leh.Â
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahaceliyay ciyaartoydii xulka Galmudug ee ku guuleystay shalay koobkii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.Â

