BEIJING, China – Duufaanta xooggan ee Ragasa ayaa geystay khasaare ba’an oo nafeed iyo hantiyeed kadib markii ay ku dhufatay bariga Taiwan iyo Hong Kong. Ugu yaraan 14 qof ayaa ku dhintay, halka 124 qof la la’yahay kadib markii haro buux dhaafisay oo jabtay ay daadad xooggan ku fataheen magaalada Guangfu ee gobolka Hualien.
Wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay intooda badan ay ahaayeen dad da’ ah oo aan ka baxsan karin daadadka ka dhashay Biyo-xireen dhul go’ay oo laba jeer buuxdhaafay Talaadadii, isagoo sii daayay qiyaastii 60 milyan oo tan oo biyo ah, wuxuuna kiciyay daadad xooggan oo ka dhacay magaalada Guangfu. 34 qof ayaa ku dhaawacmay halka gurmadka la la’yahay uu weli socdo.

Muuqaallo laga qaaday goobta ayaa muujiyay daadad jiidaya gawaari, burburinaya buundooyin, iyo dad hoy ka dhigtay saqafka guryahooda. Roobabku waxay gaareen illaa 700mm oo kaliya gobolka Hualien, halka deegaannada kale ee koonfurta iyo bari laga soo sheegay roobab gaaraya 500-600mm.
Madaxweynaha Taiwan, William Lai Ching-te, ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo ciidamada militari la hawlgeliyay si ay u caawiyaan dadka ay musiibadu saameysay.
Dhanka kale, Hong Kong ayaa Arbacadii la kulantay dabaylo aad u xoog badan iyo mowjado. Mas’uuliyiinta saadaasha cimilada ee Hong Kong ayaa soo saaray digniintii ugu sareysay, iyadoo la joojiyay in ka badan 700 duulimaad, khadadkii tareenada iyo doonyaha.
Guangdong, oo ka tirsan koonfurta dhulweynaha Shiinaha, ayaa isna guriyahooda laga raray in ka badan 1 milyan oo qof si looga hortago waxyeellada duufaanta Ragasa oo galabnimadii Arbacada halkaas ka dhufatay.

