Thursday, August 27, 2026

Dowladda DRC Congo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontey Danjire Ilyaas

Share

Kinshasa, DRC – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Ilyas Cali Xasan, nuqul ka waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo waxaa ka gudoomey Wasiirka Arimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

Danjire Ilyas, Iyo Wasiiradda Arimaha dibadda Congo, ayaa kawada hadley xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Nabada gobolka, fursadaha Ganacsiga, fududeynta Socdaalka iyo in Xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kuxeran.

Danjire Ilyas, ayaa dowladda DRC Congo, uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen bulshada Soomaalida ah ee halkaas ku nool iyo soo dhoweynta diiran ay usameeyeen isaga iyo wafdigiisa mudada uu halkaas ku joogo socdaalka shaqo.

Ugu danbeyn waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirogaliyey kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada ganacsiga, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Read more

Local News