Thursday, August 27, 2026

Kulanka Golaha Wasiirrada oo Lagu Ansixiyay Shuruuc Iyo Heshiisyo Muhiim U’Ah Dalka

Share

Muqdisho Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa iyagoo ansixiyay heshiisyo ay kamid yihiin;

1.⁠ ⁠Heshiis Is afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku saabsan iskaashiga guud ee labada dal.

2.⁠ ⁠Hindise Sharciyeedka Reebidda Naafaynta Xubinta Taranka Dhadigga, oo ilaalinaya xuquuqda haweenka, loogana hortagayo tacaddiyada loo geysto.

3.⁠ ⁠Istaratiijiyadda Qaran ee Haweenka, Nabadda iyo Amniga, oo qeyb ka ah dadaalada Xukuumadda DanQaran ee horumarinta ka qeybgalka haweenka ee hormarka dalka.

4.⁠ ⁠Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura, si Soomaaliya uga mid noqoto wadammada ka faa’iideysta adeegyada iyo cilmi-baarista dayax-gacmeedyada.

5.Istaratiijiyadda Qaranka ee Dakadaha

Shirka Golaha wasiirada oo uu gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira ammaanka guud ee dalka, Shirweynihii Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed iyo Arrimaha Abaaraha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa golaha lawadaagay warbixin la xiriirta dadaalada gurmadka ee socda iyo qorshaha looga jawaabayo wax ka qabashada abaaraha, iyada oo dad dhan 4.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa faray hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrintaan in ay si deg-deg ah uga jawaabaan oo gurmad lala gaaro shacabka Soomaaliyeed ee ay saameynta ku yeelatay abaarta daran ee  kajirta dalka.

Read more

Local News