Baydhabo, Soomaaliya- Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Koofur Galbeed Cali Saciid Fiqi, ayaa ka qeybgalay munaasabadda Dhaarinta Garsoorka Gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.
Munaasabaddan ayaa lagu dhaariyay masuuliyiinta cusub ee Garsoorka Gobolka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Ahmed Ali Muusa iyo Raisul Wasaare ku xigeenkii Hore ee Dalka Mdane Cabduwhaab Ugaas Khaliif.
Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa ku bogaadiyay Garsoorka Gobolka Shabeelaha Hoose, dadaalka ay ku bixinayaan xoojinta Cadaaladda, ilaalinta sharciga, iyo kor u qaadista kalsoonida bulshada isaga oo xusay in Dowladda Koofur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta Garsoorka iyo dhismaha Hay’adaha muhiimka ah ee u’adeega Shacabka.
ku-simaha Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay masuuliyiinta la dhaariyay in ay ugu adeegaan bulshada si hufan, kuna shaqeeyaan Caddaalad, daahfurnaan, iyo mas’uuliyad.

