Muqdisho, Soomaaliya- Doorashada golayaasha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay maalinka bari ah oo Khamiis ah kaqabsoonto magaaladda Muqdisho.
Doorashadaan ayaa ah mid ay kutartami doonaan inkabadan 1,600 oo murashax oo ka kala socda 20 urur siyaasadeed oo horay gudiga doorashooyinku udiiwaangaliyay kuwaa oo katartami doona 16 degmo oo gobolka Banaadir ah.
Gudiga doorashada ayaa galabta shaaciyay tirade rasmiga ah ee ladiiwaan galiyay iyo sidoo kale tirade rasmiga ah ee qaatay kaararka codbixinta, jaantus uu soo bandhigay gudiga doorashooyinka ayaa muujinaya tirada kaarar ee ladaabacay oo dhan 918,890, iyo sidoo kale tirada kaararka laqaatay oo dhan 503,916.
Gudiga doorashooyinka madaxa banaan ayaa sidoo kale soo bandhigay goobaha ay dadweynuhu kadhiiban karaan codkooda doorashada maalinta Khamiista ah kuwaa oo dhan 523 goobood oo kukala yaala dhamaan 16 ka degmo ee gobolka Banaadir.
Ururada usharaxan utartamida golayaasha deegaanka gobolka Banaadir ayaa soo gabagabeeyay ololaha doorashada oo ay muddo soo wadeen, madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaana maalinimadii shalay kaqayb galay isu soobax balaaran oo xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka JSP ugu diyaar garoobayaan doorashada lafilayo in maalinka Khamiista ah kadhacdo magaaladda Muqdisho.
Doorashada golayaasha deegaanka ee maalinka bari ah loo madlanyahay ayaa ah mid si wayn isha loogu wada hayo iyadoo lahakin doono dhamaan isu socodka bulshada sidoo Kalana laxiri doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho wiaxii kadambeeya saacada saqda dhexe ee magaalada Muqdisho iyo Bariga Afrika 12:00 AM, korjoogayaal iyo warbaahino caalami ah ayaa sidoo kale goob joog kanoqondoona doorashada sida wayn isha loogu wada hayo.
Dhanka kale mucaaradka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id kuqabtay magaalada Muqdisho ayaa kuceliyay inaysan aqoonsanayn ayna tahay doorasho aan waafaqsanayn nidaamka iyo shuruucda udagsan dalka, xubno katirsan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo goobta kahadlay ayaa carabka kudhuftay in doorashada bari dhici doonta ay tahay mid lasii ogyahay cida kusoo bixi doonta.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa naawilayay in kabadan 57 sano in dalka uu kahirgalo nidaam doorasho oo qof iyo cod ah muddo uu dalku ladaalaa dhacayay xaalado siyaasadeed oo kala duwan oo soo maray heerar kala duwan.

