WASHINGTON, USA – Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa maanta ku dhowaaqday inay soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sababo la xiriira inuu “si sharci darro ah u masaafuriyey” caruur reer Ukraine ah.
Maxkamadda fadhigeedu yahay Hague ee ICC ayaa sheegtay insidoo kale ay soo saartay amar soo xiritaan oo ka dhan ah Maria Lvova-Belova, oo ah wakiilka madaxweynaha Ruushka ee xuquuqda caruurta, oo Iyana loo haysto eedyemo la mid ah kuwa Putin.
Russia xubin kama ahan ICC. Ma cadda sida ay ICC u qorsheyneyso inay u dhaqan-geliso amarka. ICC ayaa sheegtay in dambiyada ay soo billowdeen 24-kii Febraayo 2022, markaasi oo Ruushka uu ku duulay Ukraine.
Dacwad-oogaha ICC Karim Khan ayaa maalmlo un kadib dullaankii Ruushka, wuxuubaaritaan ku billaabay dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bani’aadannimada ee la tuhusan yahay inay ka dhaceen Ukraine.
