Home DIBADDA Pakistan oo lagu eedeeyay in ay duqeysay caasimada Afqanistan ee Kabul

Pakistan oo lagu eedeeyay in ay duqeysay caasimada Afqanistan ee Kabul

0

Kabul:Afgaanistaan-Wasaaradda Difaaca ee Afgaanistaan ​​ayaa Pakistan ku eedeysay in ay ku soo xadgudubtay hawadeeda, islamarkaana ay duqeymo cirka ah ka geysatay labo goob oo ay ku jirto Kabul.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan oo lagu daabacay barta bulshada ee ‘X’ ayaa lagu sheegay in Pakistan ay mar kale ku soo xadgudubtay hawada dalka Afgaanistaan, ayna duqeysay suuq ku yaalla gobolka Paktika oo u dhow magaalada Kabul iyo Durand Line.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli maalmihii khamiista iyo habeenkii jimcaha ay soo shaac baxeen ​​warar sheegaya in Pakistan ay duqaymo cirka ah la beegsatay goobo kala duwan oo ku yaala caasimadda Afgaanistaan ​​ee Kabul.

Ma jiro wax jawaab ah oo arrintan ku saabsan oo ka soo baxay dowladda Pakistan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version