NEW DELHI, Hindiya – Doon nooca xamuulka qaada oo kusoo wajahneyd Soomaaliya ayaa waxaa qabsaday dab xilli ay maraysay magaaladda Porbandar Subhashnagar Jetty gobolka Gujarat ee dalka Hindiya.
Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay holac aad u xoogan iyo qiiq madow oo hareeyay markabka oo dhex taagan badda dhexdeeda.
Markabkan oo ay leedahay Shirkadda HRM & Sons ee fadhigeedu yahay magaaladda Jamnagar, ayaa waxaa saarnaa Bariis iyo Sokor, waxaana uu ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Markii uu dabku sii xoogeystay ayaa waxaa goobta gaaray saddex gawaari oo kuwa dab-damiska ah kuwaasoo markii dambe ku guuleystay in ay damiyaan.
Illaa haatan, lama ogga sababta keentay dabka qabsadey markabka iyo khasaaraha guud ee ka dhashay. Balse waxaa la sheegay in uu socda baaritaano lagu ogaanayo waxa sababay dabka.
Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale ay horey u dhacdey inuu dab qabsado markab kasoo baxay Hindiya oo kusoo wajahnaa Soomaaliya, waxaana kaliya ku hanti-beelay ganacsatada Soomaaliyeed iyadda oo sida muuqata aan wali xal waara loo helin.
