Home JUBBALAND Xiisada Colaadeed ee Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo Kasoo Cusboonaatay Gobolka Gedo

Xiisada Colaadeed ee Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo Kasoo Cusboonaatay Gobolka Gedo

0

KISMAAYO, Soomaaliya — Dagaal u dhaxeeya ciidamo taabacsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo askar daacad u ah dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu waramay inuu ka dhacay magaaladda Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Illaa haatan, si dhab ah looma ogga qaabka uu ku bilowday dagaalka.mana jiro war rasmi ah oo labada dhinac kasoo saareen isku-dhacan.

Illo wareedyo dhanka Jubaland ah ayaa u sheegay Arlaadi Media in askarta dowladda federaalka ay xabadeeyeen goob uu joogay Wasiir xigeenka ganacsiga Jubaland, Culjoog.

Ha ahaatee, dhinaca dowladda federaalka ayaan wali si rasmi ah uga jawaabin eedeyntaas. Isku-dayo xiriir aan la sameynay ayaanan guuleysan.

Xiisadda colaadeed ee kasoo cusboonaatay gobolka Gedo ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh uu rajo ka muujiyay in la xalin doono khilaafka kala dhaxeeya madaxwayne Axmed Madoobe.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version