Home DIBADDA Niger oo xiriirka u jartey dalal uu kamid yahay Mareykanka

Niger oo xiriirka u jartey dalal uu kamid yahay Mareykanka

0

NAIROBI, Kenya – Golaha militariga Niger ayaa xiriirka u jaray Nigeria, Togo, Mareykanka iyo France, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah.

Tani ayaa ka dambeysay kadib wadahadalo ay la yeesheen wafdi ka socday urur goboleedka Ecowas, kaasi oo looga gol lahaa in xal loo helo.

Col Amadou Abdramane oo xubin ka ah golaha ayaa warkan ka sheegay TV-ga dowladda isagoo ku hadlaya magaca hogaamiyayaasha afgambiga.

Niger ayaa haysatay ciwaanada warfidiyeenada dunida ka gadaal markii awood ciidan xukunka looga tuuray madaxweynaha dalkaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version