Home Federaalka Fadeexada iyo hadal-heynta ka dhalatay gabadha Soomaaliya ku matashay tartanka orodka 100-ka...

Fadeexada iyo hadal-heynta ka dhalatay gabadha Soomaaliya ku matashay tartanka orodka 100-ka mitir

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay gabar Soomaaliya ku matashay tartan dhanka orodka ah oo ka dhacay dal weynaha Shiinaha.

Buuqa ayaa ka dambeeyay markii gabadha ay gashay kaalinta ugu dambeysay orodka. Dadka ka falceliyey waxay dureen qaabka loo xulay.

Qeyb kamid ah bulshadda ayaa aaminsan in qaab aan daahfurneyn loo xulay Nasra, halka kuwa kale ay rumeysan yihiin in aysan sameyn diyaar-garow badan.

Wasaaradda Cayaaraha xukuumadda federaalka ayaa iska-fogeysay hanaanka loo maray xulista dadka Soomaaliya ku matalaya tartankan orodka 100-ka mitir.

Wasiir Maxamed Barre ayaa tibaxay in koobkan uu ahaa mid heer Jaamacadeed ah ayna baarayaan cidda ka dambeysay “fadeexadda soo gaartey magaca Soomaaliya”.

Qaar kamid ah ajaaniibta ka qeyb-gashay daawashada tartanka iyo kuwa adeegsada baraha bulshadda ayaa si weyn ugu maadeystay Soomaaliya kadib guuldaradan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dharbaaxo noocaan oo kale ah ay Soomaaliya kasoo gaarto tartamo ay uga qeyb-gashay masraxyada caalamka waxaana loo aaneynayaa musuqmaasuqa ka dhex-jira hay’adaha dowliga ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version