Home DIBADDA Midowga Afrika oo ku fadhiistay kursigiisii xubinta joogtada ah ee G20

Midowga Afrika oo ku fadhiistay kursigiisii xubinta joogtada ah ee G20

0

NEW DELHI, India – Midowga Afrika ayaa si rasmi ah ugu fadhiistay kursigiisii xubinta joogtada ah ee G20 kadib markii uu casuumaad ka helay ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi.

Hogaamiyayaasha wadamada ugu qanisan aduunka ayaa isugu tagay caasimada India ee New Delhi, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan shirka G20.

Shir madaxeedka sanadkan wuxuu ka dhacayaa Bharat Mandapam, oo ah xarun shir dhowaan dib u habeyn lagu sameeyay oo ku taal New Delhi.

Goobtan ayaa si gaar ah waxaa loogu xasuustaai in ay tahay meesha lagu gubay meydka Raj Ghat, xusuusta Mahatma Gandhi waxaana la filayaa in madaxda ay geedo ku beeraan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version