Home DIBADDA Dad badan oo ku geeriyoodey dhul-gariir ka dhacay dalka Morooko

Dad badan oo ku geeriyoodey dhul-gariir ka dhacay dalka Morooko

0

RABAT, Morooko – Dhul-gariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay dalka Marooko, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka (USGS).

Ugu yaraan 296 ayaa ku dhintay 153 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixin horudhac ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Morocco.

Khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in uu sii kordho maadaama ay jiraan dad wali la baadi-goobayo. Madax kala duwan ayaa tacsi u dirtey ehelka dadka geeriyoodey.

Xudunta dhul gariirku waxay ahayd 18.5km (in ka badan 11 mayl) wuxuuna ka dhacay meel 72km (44 mayl) koonfur-galbeed ka xigta magaalada Marrakesh iyo 56km (qiyaastii 35 mayl) galbeed ee magaalada Oukaimeden.

Dhulgariirku waxa uu dhacay wax yar ka dib 11pm wakhtiga maxaliga ah (22:00 GMT), sida laga soo xigtay hay’adda Sahanka Juquraafiga ee Maraykanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version