BELED-XAAWO, Jubaland – Kooxo hubeysan ayaa xalay waxa ay magaalada BeledXaawo ee gobolka Gedo ku dileen gudoomiye xaafadeed lagu magacaabi jiray Faarax Sigad.
Marxuumka ayaa madax ka ahaa xaafadda Goolan Hays. Dableyda ayaa lagu waramay in ay baxsatay kadib markii ay geystay falkaas dilka qorsheysan ahaa.
“Waxaa kale oo weerarkaas ku dhaawacmay wiil uu dhalay marxuumka, kaas oo dhaawiciisa maanta magaalada Muqdisho loo qaaday,” ayuu yiri goobjooge la hadlay Arlaadi Media Network.
Dhanka kale, qarax miino ayaa lagu burburiyey guri ahaaa goob ay ka dhacaan shirarka iyo siminaaradda. Ma jirto illaa haatan cid wax ku noqotey falkaas oo aysan kooxna sheegan.
BeledXaawo oo ku taalla xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu waramayay in dhowrkii maalmood lasoo dhaafay ay ka jirto xaalad cabsi ah ayna dadka bilaabeen in ay ka cararaan.
