MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa xaqiijiyey in dad shacab ah ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartey howlgal ay 6-dii September 2023 ka fuliyeen tuuladda Ceel-Lahelay village ee ka tirsan Galmudug.
War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu caddeeyay in saddex xubnood Al-Shabaab ay ku naf-waayeen howlgalkaas oo ay ku taageerayeen ciidamadda Soomaaliya.
“Kadib dib-u-eegid aan sameynay anaga oo tixgelinayna dalab ka yimid dowladda Soomaaliya, waxaan xaqiijinay in rayid ay waxyeelo geeri iyo dhaawac soo gaartey,” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM.
Balse, AFRICOM ma aysan shaacin tiradda dadka shacabka ah ee ku dhintay ama ku dhaawacmay howlgalkaas. Hase ahaatee, Al-Shabaab ayaa warisay in ay ahaayeen lix qof oo ay ku jiraan afar caruur ah.
Howlgalada ciidamadda Mareykanka ay ka sameeyaan gudaha Soomaaliya ayaa isugu jira duqeyn dhanka cirka ah iyo howlgal dhulka ah waxaana ay inta badan ay la beegsadaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
