Home DIBADDA Japan oo noqdey dalka ugu waayeeladda caalamka

Japan oo noqdey dalka ugu waayeeladda caalamka

0

TOKYO, Japan – Markii ugu horreysay abid, in ka badan hal 10-kii qof ee ku nool Japan ayaa da’doodu noqotay 80-jir ama ka badan.

Xog-uruurin ayaa muujineysa in 29.1% dadka dalkan oo dhan 125 milyan ay da’doodu tahay 65 jir ama ka weyn.

Japan ayaa kamid ah dalalka ugu dhalmada yar aduunka taasoo sii kordhisay walalka ay qabaan dadka gabowga ah.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtey in Japan ay sanadkan noqotey dalka ay ku nool dadka ugu waayeelsan caalamka.

Talyaaniga oo dadkiisu 24.5% yihiin duq iyo Finland oo kusoo baxay 23.6% ayaa kala galay kaalinta labaad iyo saddexaad.

Japan ayaa la qiyaasay in ay ku dhasheen in ka yar 800,000 oo caruur ah sanadkii hore – waa tiradii ugu yareyd tan iyo markii qarnigii 19-aad.

Sannadkii hore, dadka Shiinaha dhankiisa ayaa hoos u dhacay markii ugu horreysay tan iyo 1961-kii, halka Kuuriyada Koonfureed ay sheegtay inay tahay heerka ugu hooseeya ee dhalmada adduunka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version