Home Federaalka Itoobiya oo beenisay warar ay faafisay kooxda Al-Shabaab

Itoobiya oo beenisay warar ay faafisay kooxda Al-Shabaab

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Mukhtaar Maxamed Waare, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Al-Shabaab ay 167 askari uga dishay dalkiisa weerarkii gobolka Bakool.

Waare oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu tibaaxay in wararkaas oo uu ku arkay baraha bulshadda ay yihiin “kuwa dacaayad ah” isla markaana uusan xataa dagaalka socon 10 daqiiqo.

Dhanka kale, diblumaasiga ayaa waxa uu si adag u diidey eedeynta ay Al-Shabaab usoo jeedisay ciidamada dalkiisa oo ah in ay yihiin “kuwa kusoo duulay dadka iyo dalka Soomaaliya”.

“Ma nihin kuwa soo duulay; waxaan xubin ka nahay ciidamadda Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya, iyo dhismaha dowlad sharci ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Aroornimadii Axadii shalay ahayd markii Al-Shabaab jidka u gashay ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay degmada Rab-dhuure kuna sii jeeday magaalada Waajid ee gobolka Bakool.

Itoobiya ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqolaal ciidamo ah kuwaas oo isugu jira qaar kamid ah howlgalka ATMIS iyo cutubyo kale oo wali sharaxaad aan laga bixin joogitaankooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version