WASHINGTON, USA – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka codsaday Qatar inay farageliso wararka Al Jazeera ee dagaalka Israel ee ka dhanka ah Xamaas.
Blinken ayaa qadiyadan kusoo qaaday kulan uu la yeeshay ra’iisul wasaaraha Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani, sida laga soo xigtay website-ka Axios.
Walaaca maamulka Maraykanku ka qabo shabakadan ayaa ka tarjumaysa saamaynta sare ee ay Al Jazeera ku leedahay ra’yiga dadweynaha ee dunida Carabta.
Al Jazeera waa mid ka mid ah hay’adaha wararka ee fara ku tiriska ah ee xafiiska ku leh Gaza, taasoo u sahlaysa inay ka warbixiyaan saamaynta xun ee duqeymaha culus ee Israa’iil ka geysanayso dhulkaas.
Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in ilaa hadda ay ku dhinteen 7,028 qof, oo ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah ay yihiin carruur aan qaan-gaarin ayna dhaawacmeen tirro ka badan tobban kale.
