Home Federaalka Dabley labo ganacsato ah ku dishay magaalada Dhuusomareeb

Dabley labo ganacsato ah ku dishay magaalada Dhuusomareeb

0

DHUUSOMAREEB – Dabley ayaa xalay waxa ay magaalada Dhuusamareeb ku dishay labo nin oo ganacsato ahaa laguna kala magacaabayey, Sheekh Xasan Diirshe Cade Iyo Saciid Tahliil Maxamed.

Warar horudhac ah ayaa dilkan waxa ay la xiriirinayaan aanooyin qabiil wallow aan illaa haatan si rasmi ah loo xaqiijin karin talaabadan.

Booliska Dhuusomareeb ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ay ku goobayaan dambiileyaasha hase ahaatee illaa haatan lama soo qaban kooxda hubeysan.

Jawiga caasimada Dhuusomareeb ayaa saaka dagan hase ahaatee waxaa lasoo sheegayaa in ganacsada qaarkood ay ka caroodeen dilkan ayna furin goobahooda maanta.

Dhuusomareeb ayaa horey waxaa uga dhacay dilal salka ku haya aanooyin qabiil kuwaas oo qaarkood isku-rogay dagaal halka qeybtood lagu guuleystay in si hoose loo qaboojiyo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version