Home DIBADDA Duqeymaha Yahuuda ee Gaza oo abuuray xaalad “argagax leh”

Duqeymaha Yahuuda ee Gaza oo abuuray xaalad “argagax leh”

0

DOOXA – Duqeymo xooggan ayaa bilowday inay abaaro 6:05am waqtiga Gaza (04:05 GMT) iyadoo inta badan dadka deegaanka ay hurdeen, taasoo keentay guud ahaan “xaalad argagax leh”.

Ugu yaraan 15 guri ayaa “gebi ahaanba burburay,” in ka badan 15 qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan carruur. Dhaawacyo badan ayaa weli ku hoos jira burburka.

Dadka deegaanka ayaa hadda gacmahooda oo qaawan kaga shaqaynaya samata bixinta dhibbanayaasha. “Ma jiraan qalab ama ambalaas,” ayay tibaaxeen.

“Waa nala burburiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka badbaaday weerarka. “Wax aan u qalmin tan ma aannu samayn… dhammaanteen waan hurdaynay,” ayuu sii raaciyay.

Mid kale oo badbaaday ayaa ku daray: “Qofna dan nagama qabo. Kuwaasi waxay ahaayeen dad aan hubaysnayn iyo carruur aan waxba galabsan, oo hurda,” ayuu hoosta ka xariiqay.

Albaabka xerada laga soo galo ayaa leh waddooyin aad u cariiri u ah taas oo adkeynaysa in ambalaasyada ama baabuurta dabdamiska ay galaan waxaana ka dhashay xaalad walwal iyo cabsi badan ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version