NAIROBI – Madaxweynaha Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embalo, ayaa Isniintii go’aansaday inuu kala diro baarlamaanka dalkaas ee ay mucaaradka u badan yihiin.
Talaabadan ayaa timid sadex maalmood kadib iska hor imaadyo hubaysan oo uu ku tilmaamay “isku day afgambi” kaas oo dalkan yar ee ku yaala ee Galbeedka Africa.
Guinea Bissau waxa ay la kulmeysaa xasillooni darro siyaasadeed oo daba-dheeraatay waxayna la kulantay afgambiyo xiriir ah tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Portugal 1974, kii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Febraayo 2022.
