NAIROBI, Kenya – Bangiga Adduunka ayaa saadaasha kobaca dhaqaalaha Soomaaliya 2023 hoos u dhigay ilaa 2.8 boqolkiiba, marka loo eego saadaasha sanadkii hore 2022 oo ahayd 3.6 boqolkiiba.
Bankiga ayaa intaas ku daray in dhaqaalaha Soomaaliya uu wali u nugul yahay ku tiirsanaanta xad dhaafka ah ee ganacsiga iyo maalgelinta dibadda ah aawadeed.
“Kobaca la saadaaliyay ee 2023 waxaa dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos uga soo dhacay darajo dhan 0.8 boqolkiiba marka la barbardhigo qiimeyntii 2022,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Hase ahaatee, warbixinta ayaa rajo waxa ay ka muujisay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kor u kaco sanadaha soo aadan inuu noqdo 3.7 boqolkiiba sanadka 2024 iyo 3.9 boqolkiiba oo ah 2025.
Si kastaba ha ahaatee, soo kabashada ayaa ku xirann sidda loola tacaalo abaarta, khalkhalka sahayda badarka ee Ukraine, iyo masiibada caalamiga ah ee isbedelka cimiladda taasoo saameyn badan yeelan karta.
