Home Wararka Dibadda Maamulka Tigrey oo lagu eedeeyay in ka dambeeyaan dagaalka ka socda dalka...

Maamulka Tigrey oo lagu eedeeyay in ka dambeeyaan dagaalka ka socda dalka Suudaan

0
Soldiers of Tigray Defence Force (TDF) prepare to leave for another field at Tigray Martyr's Memorial Monument Center in Mekele, the capital of Tigray region, Ethiopia, on June 30, 2021. - Rebel fighters in Ethiopia's war-hit Tigray seized control of more territory on June 29, 2021, one day after retaking the local capital and vowing to drive all "enemies" out of the region. (Photo by Yasuyoshi Chiba / AFP)

Addis Ababa – Maamulka Tigrey ee ka arrimiya waqooyiga dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda dalka Sudan , kaa oo u dhaxeeya ciidanka milatariga iyo ciidanka kale ee gurmadka deg dega ee RSF.

Sidoo kale, taliska ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Sudan ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigrey in ay qeyb ka yihiin dagaalka ayna garab siinayaan ciidanka milatariga, waxa ayna RSF sheegeen in ay hayaan caddeymo muujinaya in TPLF qeyb ka yihiin dagaalka.

Dhanka kale, War kasoo baxay maamulka Tigrey ayaana lagu beeniyay eedeynta uga timid ciidamada RSF, waxa ayna sheegeen ciidamada daacada u ah TPLF in aysan wax shaqo ah ku laheyn dagaalka ka socda dalka Sudan.

Maamulka Tigrey ayaa sheegay in ay qorsheenayaan sidii ay guryahooda ugu soo celin lahaayeen boqolaal kun oo kasoo jeeda qowmiyada Tigrey, kuwaa oo gudaha Sudan u qaxay xilligii uu dagaalka ka socday gobolka Tigrey.

Eedeyntan kasoo yeertay ciidanka RSF ayaa imaaneysa xilli ay jiraan tuhuno la xariira in rag badan oo calooshood u shaqeestayaal ah kana soo jeedaan dalal kala duwan qeyb ka yuhiin dagaalka Sudan ka socda, iyaga oo u dagaallamaya dhinacyada is haya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version