Home Federaalka Wararka Gudaha Xildhibaano kamid ah golaha wakiilada Puntland oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday...

Xildhibaano kamid ah golaha wakiilada Puntland oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari

0

Garoowe – Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud (Cali Tabliiq) oo ka tirsanaa Golaha baarlamanka Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay ka dhacay deegaanka Xaaji Khayr, degmada Daangoroyo ee gobolka Nugaal.

Isla shilkaas waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Dr Ciise Jaamac Maxamed.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland Deni Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Cali Tabliiq oo lagu wado in maanta aas qaran loogu sameeyo magaalada Garowe.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version