Home Federaalka Wararka Gudaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal udiray dhaxal sugaha sacuudiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal udiray dhaxal sugaha sacuudiga

0

Muqdisho – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Sidoo kale Fariintan waxaa siday Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geele

Dhambaalka qoraalka ayaa ahaa mid la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, waxaana guddoomay ku-Xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dhanka arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga, Danjire Sacuud bin Maxamed Al-Sati.

Dhanka kale, Ku-Xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dhanka arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga ayaa maanta ku soo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Danjire Daahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version