Home Federaalka Wararka Gudaha Afar sargaal oo katirsanaa kooxda Alshabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda...

Afar sargaal oo katirsanaa kooxda Alshabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda & iyo kuwa maamulka Jubbaland

0

Jubbada Hoose – Wararka ka imaanaya gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in saraakiil katirsanaa kooxda Al Shabaab isku soo dhiibeen ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaddib markii Al Shabaab laga saaray deegaanno cusub oo katirsan gobolkaasi.

Sidoo kale, Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in afar sargaal oo katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa deegaanka Buulo-xaaji ay dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen isku soo dhiibeen Al Shabaab.

Dhanka kale, Saraakiishan ciidanka dowladda isku soo dhiibay ayaa kala ahaa Amiirkii deegaanka Buulo-xaaji, madaxii maaliyadda ee degaankaas, madaxii Sirdoonka iyo nin kale kale oo isna Al Shabaab madax uga ahaa qaadista xoolaha loo yaqaan Sakawaadka.

Ugudambeyn, Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaana maalmo kahor Al Shabaab ka saaray deegaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubadda Hoose, ciidanka ayaana halkaasi kawada howlgallo amniga deegaanka lagu xaqiijinayo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version