Home Federaalka Wararka Gudaha Shir ay qaban-qaabineyso Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo la qaadacay

Shir ay qaban-qaabineyso Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya oo la qaadacay

0

MUQDISHO โ€“ย Ururka Cilmi-baarista Soomaaliyeed (SSIA) ayaa iska fogeeyay โ€œ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐Ÿญ๐Ÿฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ee ๐——๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑโ€ ee lagu waddo inuu Muqdisho ka dhaco Diseembar 15-18, 2024.

Kulankan lagu muransan yahay ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo kaashanaysa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen aqoonyahanada ku mideysan SSIA ayaa lagu sheegay in wasaarada waxbarashada ay magacooda isticmaaleyso fasax laโ€™aan.

Dadweynaha, ka qeybgelayaasha iyo guud ahaan daneeyeyaasha waxbarashada Soomaaliya ayay u caddeeyeen in aysan qeyb ka ahayn kulankan oo ay xuseen in aan lagu matalin magacooda.

Wasaaradda Waxbarashadda ayay si adag uga codsadeen in ay joojiso adeegsiga magacooda isla markaana ay dib uga degto qaban-qaabadda shirweynaha isha lagu wada hayo.

โ€œWar-saxaafadeedkan waxaan usoo saarnay si aan u ilaalino sumcadda iyo sharafta ururka SSIA,โ€ ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo ay saxiixeen 10 aqoonyahan.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version