Home Federaalka Wararka Gudaha Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Baqdaad

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Baqdaad

0

MOGADISHU – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Abdalla Abdalla iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq.

Wafdiga waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay magaalada Ziad Taha Ali, oo ah Lataliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq.

Safarkan ayaa qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo wafdigu la kulmi doono mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Ciraaq.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version