MUQDISHO, Soomaaliya – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Tanzania iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) Ilyas Cali Xasan, ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magalada Kinshasa ee caasimada dalka DRC Congo.
Danjire Ilyaas oo sidoo kale ah danjiraha aan deegaan ahayn ee shan wadan oo ay ku jirto DRC Congo ayaa hogaaminaya wafdi heer sarre ah oo magaaladda Kinshasa u tagay booqasho shaqo taas oo maalmo qaadan doonta.
Masuuliyiin ka socota wasaaradda arimaha dibadda dalka DRC Congo iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha N’djili ku soo dhoweeyeen wafdiga safiirka.
Dhanka kale, Danjire Ilyaas oo u mahadnaqay mas’uuliyiinta iyo Jaaliyada Soomaaaliyeed ee soo dhaweysay ayaa waxa uu sheegay in mudada uu Kinshasa ku sugan yahay uu u kuurgali doono xaaladda muwaadiniinta Soomaaliya iyo sidii loogu fududeyn lahaa adeegyadda ay u baahan yihiin.
