Home Federaalka Wararka Gudaha Axmed Madoobe Oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Hay’adda Sirdoonka Jubaland

Axmed Madoobe Oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Hay’adda Sirdoonka Jubaland

0

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA) oo laga hirgeliyay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha waxaa munaasabaddaasi ku weheliyay Wasiirka Amniga Gudaha Yusuf Xuseen Cusmaan, Agaasimaha Hay’adda JISA Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidanka Darawiishta Jubaland General Ismaaciil Saxardiid.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta cusub, taas oo si casri ah loo dhisay, isla markaana lagu fuliyay kharash ka yimid canshuurta shacabka reer Jubaland taas oo muujineysa sida dowladdu ugu heellan tahay adeegsiga kheyraadka gudaha iyo daahfurnaanta maamulka.

Madaxweynaha Jubaland ayaa amaanay shaqada baaxadda leh ee ay hayaan howlwadeenada Hay’adda JISA, kuwaas oo habeen iyo maalin u taagan ilaalinta amniga iyo xasilloonida Jubaland, isagoo xusay in ay JISA tahay mid kamid ah hay’adaha amni ee ugu hufan Geeska Afrika.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa xusay in shaqada JISA ay ka turjumeyso dadaal iyo isbeddel muuqda oo ay dadweynuhu dareemeen, maadaama muddo dheer la dhisayay hay’adda si ay u noqoto tiir adag oo amni iyo sirdoon ah.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay hoggaanka iyo maamulka Hay’adda, gaar ahaan Agaasimaha Guud Maxamed Axmed Sabriye,oo uu ku ammaanay hoggaan hufan, isku-duubni iyo daacadnimo uu kaga miro-dhaliyay waajibaadka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version