Home Federaalka Wararka Gudaha Hadalheynta Xayiraada Socdaalka Oo Soo Noqotay Kahor Doorashada 2026

Hadalheynta Xayiraada Socdaalka Oo Soo Noqotay Kahor Doorashada 2026

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadalheynta xayiraada socdaalka ee siyaasadeysan ayaa u muuqata in mar kale dib ugu soo laabatay masraxa siyaasadeed ee Soomaaliya kahor doorashada aan lagu heshiin nooceeda ee 2026.

Guuxan ayaa yimid ka gadaal markii Xildhibaano kasoo jeeda Koonfut Galbeed ay sheegeen in laga hor-istaagay socdaal ay ku tagi lahaayeen magaaladda Baydhabo maanta oo Talaado ah.

Illaa haatan, ma jiro war rasmi ah oo maamulka Koonfur Galbeed uu kaga jawaabay eedeyntan. Balse, Illo ku dhow Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa isku-difaacay in aysan jirin duulimaad fasax soo waydiistay oo ay baajiyeen.

Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan ka dhashay xiisaddan la qaatay Ra’iisul Wasaare hore Cumar Cabdirashiid, gudoomiyeyaal hore Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal si lamid ah wasiir hore Daahir Geelle.

Fahfaahin horudhac ah oo laga helay natiijada kasoo baxdey kulankooda ayaa sheegeysa in madaxwayne Xasan Sheekh uu sheegay in safarkooda Baydhabo uu noqonayo maalinta Sabtida ee todobaadka dambe balse lama ogga sidda ay ku suurtagali doonto.

Sikastaba ha ahaatee, soo rogaal celinta xayiraadaha socdaalka ayaa mararka qaarkood tusaale u ah in Soomaaliya ay gashay mar xalad kala guur doorasho hase ahaatee lagama horudhici karo meesha ay ku guntami doonto.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version