Home DIBADDA Muxuu Turkiga ka yiri Wada hadallada Ukraine iyo Ruushka.

Muxuu Turkiga ka yiri Wada hadallada Ukraine iyo Ruushka.

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wadahadallada u dhaxeeya dalalka Ruushka iyo Ukraine ay meel fiican marayaan, isla markaasna rejo laga qabo in lagu guulleysto.

‎Wuxuu sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu mar walba la fariisto Ruushka si loo helo xabbad-joojin degdeg ah iyo nabad waarta.

‎Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo Ankara kula kulmay Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu kalsooni ku qabo dhexdhexaadinta Turkiga.

‎Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in dib loo bilaabo is-weydaarsiga maxaabiista kahor dhammaadka sanadkan, arrintaasi oo Turkiga dhexdhexaadinayo.

‎Kulanka Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ukraine ayaa ku soo aadaya xilli dunida ku baaqeyso in la soo afjaro dagaalka Ruushka ku soo qaaday Ukraine.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version