Home DIBADDA Trump oo Ku Dhawaaqay Inuu Joojinayo Barnaamijka TPS ee Soomaalida Minnesota

Trump oo Ku Dhawaaqay Inuu Joojinayo Barnaamijka TPS ee Soomaalida Minnesota

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku sheegay qoraal uu soo dhigay Truth Social in uu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka ilaalinta ku meel gaarka ah (TPS) ee Soomaalida ku sugan gobolka Minnesota.

Trump ayaa qoraalkiisa ku sheegay in “koox Soomaali ah ay argagax gelinayaan dadka gobolka, isla markaana ay balaayiin doolar la waayeen,” taas oo uu ku sababeeyay go’aankiisa ah in TPS-ka Soomaalida la joojiyo.

“Aniga oo ah Madaxweynaha Maraykanka, halkan ayaan ku joojinayaa barnaamijka TPS ee Soomaalida Minnesota, taasoo dhaqangelkeedu degdeg yahay,” ayuu yiri Trump.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo Soomaalida Minnesota ay ka mid yihiin bulshooyinka ugu waaweyn ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Mareykanka, inkastoo tirada dadka haysta TPS ay aad u yar tahay marka la barbardhigo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version