Kinshasa, Congo- Madaxweynaha Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo, Flex Tshisekedi ayaa ku eedeeyay Rwanda carqaladaynta heshiiskii xabad joojinta ee ay dhawaan kala saxiixdeen, kadib markii ay taageertay jabhada hubaysan ee M23.
Tshisekedi ayaa sharci dajiyayaasha dalka DRC Congo usheegay isniinta maanta ah in ciidanka Rwanda ay weerar kuqaadeen dhowr goobood oo kuyaalaa gobolka koofurta ah ee Kivu maalmo kadib markii labada madaxweyne heshiis nabadeed kukala saxiixdeen magaaladda Washington DC ee dalka Maraykanka Afarta December ee sanadkaan, heshiiskaas oo loola danlahaa dhamaynta khilaafka sanadaha badan soo jiray.
Flex Tshisekedi ayaa eedeyn ujeediyay ciidamada Rwanda inay qaadeen weerar culus oo ay u’isticmaaleen hub aad uculus, wasiirka arrimaha dibadda Rwanda ayaa eed lamid ah tii uu jeediyay madaxweynaha DRC Congo ujeediyay ciidamada Rwanda, isagoo tilmaamay in wax lagu qoslo ay tahay iyo wax aan jirin in lasheego.
Rwanda ayaa beenisay inay taageerto jabhada hubaysan ee M23 ee kadagaalanto dalka Congo, isla markaasna ay wajahayso qatar kaga imaanaysa kooxaha hubaysan ee gaysanaya xasuuq lamid ah kii 1994 kii ay katagaantahay Bariga DRC Congo.
Heshiiskii nabadeed ee ay wada saxiixdeen labada dhinac bishii June ee DRC Congo iyo Rwanda ayna garwadeenka ka ahaayeen dowladaha Maraykanka iyo Qatar ayaa waxaa taageeray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isagoo tilmaamay in heshiiskaasi uu ahaa cutub kucusub Afrika.
