Home DIBADDA Kim Jong Un Oo Xilkii Kaqaaday Ra’iisulwasaare Xigeenkiisa, Eedna Ujeediyay Xubnaha Maamulkiisa

Kim Jong Un Oo Xilkii Kaqaaday Ra’iisulwasaare Xigeenkiisa, Eedna Ujeediyay Xubnaha Maamulkiisa

0

Pyongyang, Korea – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa shaqada ka ceyriyay sarkaal sare oo loo xilsaaray siyaasadda dhaqaalaha, isagoo cambaareeyay xubnaha xisbiga kuna tilmaamay kuwa aan karti lahayn, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, taasoo ah canaan naadir ah oo uu u jeediyay mas’uuliyiinta sida qarsoodiga ah ugu shaqeeya dowlada.

Wakaalada wararka Kuuriya ee (KCNA) oo ay maamusho dowlada ayaa Talaadadada maanta ah sheegtay in Kim uu shaqada ka eryay ku xigeenkiisa Yang Sung-ho intii lagu guda jiray xaflada furitaanka wajigii kowaad ee mashruuca casriyeynta ee Ryongsong Machine Complex.

Mr Kim ayaa kutilmaamay Yang Sung mid aan ku habooneyn in lagu aamino waajibaadyada culus.

Yang, oo ahaa wasiirkii hore ee warshadaha mishiinada ayaa loo dalacsiiyay ku xigeenka madaxa qaybta mishiinada, sidoo kale waa xubin muhiim ah oo ka tirsan golaha hoggaanka xisbiga talada haya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap.

Intii lagu guda jiray booqashadii xarunta mishiinada warshadaha Isniintii, Kim Jong Un wuxuu sidoo kale eedeyn ujeediyay mas’uuliyiin uu ku eedeeyay dib u dhac ku yimid mashruuca casriyeynta.

Toddobaadkii hore, Yonhap ayaa soo warisay in Kuuriyada Waqooyi ay beddeshay saraakiisheeda sare ee militariga u qaabilsanaa ilaalinta Kim, iyadoo ay jirto waxa ay ugu yeertay “walaac dil”.

Sida warbixinta lagu sheegay, taliyayaasha saddexda cutub ee waaweyn ee Kuuriyada Waqooyi, Xafiiska Ilaalada ee xisbiga talada haya, Waaxda Ilaalada ee Komishanka Arrimaha Gobolka iyo Taliska Ciidanka Ilaalada, ayaa dhammaantood la bedelay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version