Naypyidaw, Myanmar – Wareega sadexaad ee codbixinta doorashada muranka dhalisay ee Myanmar ayaa furantay iyadoo xisbiga milatarigu garabka uyahay uu kudhowyahay inuu kusoo baxo doorashada, xilli uu dalka Myanmar kasocdo dagaal sokeeye oo xoogan.
Codbixinta doorashada ayaa kabilaabatay ilaa 60 magaalo oo ay kujiraan caasimadaha Yangon iyo Mandalay 6:00 AM subaxnimo saaka oo Axad ah.
Dhaleeceeyayaasha kasoo horjeeda doorashada ayaa sheegaya in codbixintu aysan ahayn mid xor iyo xalaal ah, looguna talagalay in lagu sharciyeeyo xukunka militariga ee Myanmar, ku dhawaad shan sano, ka dib markii Jeneraalada dalkaasi ay rideen dowladdii la doortay ee Aung San Suu Kyi, taasoo uhorseeday Myanmar dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen kumanaan qof, kuna barakaceen in ka badan 3.5 milyan oo qof.
Aung San Suu Kyi ayaa weli xabsiga ku jirta, si la mid ah dhowr urur oo kale oo mucaarad ah oo uu kujiro xisbigeedii National League for Democracy (NLD) la kala diray, hase yeeshee xisbiga ay taageerto ee Midowga Wadajirka iyo Horumarka (USDP) ee uu militarigu taageero, hogaaminaya cod bixinta.
Xisbiga USDP ayaa xaqiijiyay 193 kursi oo kamid ah kuraasta 209 ka ah ee aqalka hoose, iyo sidoo kale 52 kamid ah kuraasta aqalka sare, sida laga soo xigtay gudiga doorashooyinka.
Gudiga doorashooyinka ayaa sidoo kale xusay in 17 xisbi oo kale ay heleen tiro yar oo kuraas ah oo golaha sharci dejinta ah, kuwaas oo u dhexeeya hal ilaa 10.
Mucaaradka iyo muxaafadka Myanmar ayaa siweyn ugu saadaalinaya sareeye guud Min Aung Halaing kaas oo hada haya hogaanka dowlada milatariga ah ee dalkaas, inuu lawareego xilka madaxtinimada dalkaas marka baarlamaanka cusub uu kulmo.

Sawiro ay baahisay warbaahinta Myanmar ayaa muujinaya sarkaalka Min Aung Halaing oo goob codbixin oo kutaala magaalada Mandalay kula kulmaya codbixiyayaasha isagoo umuuqday mid kujira jawi faraxsanaan ah.
Natiijooyinka rasmiga ah ayaa lafilayaa in lagu dhawaaqo Asbuucaan, iyadoo laga cabsi qabo in xisbiga USDP uu guusha doorashada sheegto goor hore oo Isniinta soo aadan ah.
Milatariga ayaa sheegay in baarlamaanka dalka Myanmar uu furniture doono bisha March dowlada cusubna lawareegi doonto xilka bisha xigta ee April.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Malaysia Mohamed Hassan ayaa baarlamaanka dalkiisa usheegay Talaadadii lasoo dhaafay in ururka Association of South East Asian Nations ASEAN oo Myanmar xubin katahay aysan udirin kormeerayaal, aysanna aqoonsanayn doorashada, isagoo xiganaya walaac laga qabo la’aanta kaqeybgal xor ah loona dhanyahay.
Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Malaysia ayaa ah kan ugu horeeya ee tibaaxaya in ururka ASEAN ee kakooban 11 ka xubnood uusan aqoonsa doonin natiijada kasoo baxda doorashada.
Sida laga soo xigtay Ururka Caawinta Maxaabiista Siyaasadda, oo u kuur gala xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee dalka Myanmar, ugu yaraan 7,705 qof ayaa la dilay tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye, halka 22,745 ay weli xiran yihiin.
Isku dhacyada hubaysan iyo Mashruuca Xogta Dhacdooyinka, oo ah koox korjoogto ah oo kor u qaada wararka warbaahinta ee rabshadaha, ayaa ku qiyaastay in, in ka badan 90,000 lagu dilay dhammaan dhinacyada uu u dhexeeyo iska horimaadka.