Home DIBADDA Erdogan Oo Gaaray Masar Kulamana Laleh Dhigiisa Abdel Fattah El – Sisi 

Erdogan Oo Gaaray Masar Kulamana Laleh Dhigiisa Abdel Fattah El – Sisi 

0

Cairo, Egypt – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar Arbacada maanta ah booqasho rasmi ah, halkaasoo uu kulmo kula yeelan doono dhigiisa Masar Abdel Fatah El – Sisi. Sidoo kalana uu kushirgudoomin doono golaha iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Masar Iyo Turig.

Booqashada Erdogan uu kugaaray Masar ayaa daba socota booqasho diblomaasiyadeed uu ku gaaray boqortooyada Scuudi Carebiya, waxaana gagida diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha Masar Abdel Fatah El – Sisi  Marwada  koowaad ee Masar; Entissar Amer iyo ambassador ka Turkiga ufadhiya Masar Salih Mutlu Sen.

Booqashada Madaxweynaha Turkiga uu kugaaray Masar ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa dhowr wasiir iyo lataliyayaal katirsan madaxtooyada Turkiga, kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, wasiirka maaliyada iyo canshuuraha Mehmet Simsek, wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ujeedka booqashada Erdogan ee Masar ayaa ah casuumaad uu kahelay dhigiisa Abdel Fatah El – Sisi iyo shirgudoominta kulanka labaad ee heerkiisu sareeyo golaha iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Masar iyo Turkiga,labada hogaamiye ayaa lafilayaa inay kulafaguraan xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, horumarka gobolka gaar ahaan xaalada Falastiin iyo arrimaha caalamiga ah.

Erdogan ayaa lagu wadaa inuu kaqeyb galo madasha ganacsiga Turkiga iyo Masar ee ujeedkeedu yahay sare uqaadida xiriirka ganacsi ee labada dal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version