Muqdisho, Soomaaliya ____ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaanka golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay is aragoodii ugu horeeyay kagadaal maalmo ay madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland ay kusugnaayeen magaalada Muqdisho.
Is araga madaxda mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa kukoobnaa sida xogo lahelayo tilmaamayaan kulan qado iyo salaan kaliya ah.
Hogaanka golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay horboodayaan madaxweynayaasha maamulada Jubaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam iyo Siciid Cabdullaahi Dani, ayaa Magaalada Muqdisho ujooga kaqeybgalka gogol wadatashi oo ay ufidisay dowladda Soomaaliya dabayaaqada bishii tagtay ee January.
Todobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa taagnaa buuq kusaabsan goobta uu kafurmayo wadahadalada udhexeeya madaxda Mucaaradka iyo madaxweynaha, iyadoo ay xusid mudantahay in kahor imaanshiyaha madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland laceliyay ciidamo hordhac u’ahaa imaanshiyahooda Muqdisho.
Kulanka qadada ee Madaxweynuhu ku martiqaaday Golaha Mustaqbalka ayaa hordhac u’ah shirka Wadatashiga Qaran ee ay fidisay Xukuumadda, si looga wada hadlo xaalada guud ee dalka sida Doorashooyinka, Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.
Dhawaan ayaase lafilayaa inuu si rasmi ah ufurmo shirka udhexeeya labada dhinac waa Mucaaradka iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
