Dar’ es Salam, Tanzania ____Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa kuwareejiyey Wasiirka Amniga Gudaha Mudane General Abdulahi Sheikh Ismail “Fartaag” iyo Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, go’aanka rasmiga ah ee Dowlada Soomaaliya loogu Ogalaaday daabacaada baasaboorka EAC iyo naqshadiisa (Passport Features).
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xili ay shalay kala saxiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania sidoo kaleed go’aanka rasmiga ah ayaa u ogolaanaya in laga bilaabo bishii hore ee December 2025 ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u daabacan karto baasaboorka Ururka Bulshada Afrika Bari (EAC), Arintaan ayaa dowlada Soomaaliya uga dhiganta horumar diblomaasiyadeed oo muhiim ah, isla markaana xoojinaysa isdhexgalka gobolka, fududeynta isu socodka muwaadiniinta EAC.
Soomaaliya ayaa ururka Bulshada Bariga Afrika sirasmi ah ugu biirtay sanadkii 2024 ka, waxaana bilaabantay dadaalo lagu hirgalinayo kamid noqoshada ururkaas.
Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC ayaa ah mid ay kumiddeysanyihiin sided dowladood, waxaana caxaana ay xarunta dhexe ee ururka kutaalaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Ururkan dalalka kumideysan kacaawinaya fududeeynta socodka muwaadiniinta, horumarinta ganacsiga, iskaashiga amniga, suuqa furan, maalgashiga shisheeyaha, iyo sara uqaadida adeegyada ay kamidyihiin baasabooorka ururka.
