Home DIBADDA Shirkada Diyaaradaha Cumaan Ee Salaam Air Ayaa Shaacisay Duulimaad Toos Ah Oo...

Shirkada Diyaaradaha Cumaan Ee Salaam Air Ayaa Shaacisay Duulimaad Toos Ah Oo Ay Ku Sameyneyso Muqdisho

0

Muscat, Oman | Shirkada diyaaradaha Cumaan ee Salaam Air ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaad toos ah oo isku xiraya Caasimadda Muqdisho iyo Magaaladda Caasimadda ah ee Muscat.

Shirkadda diyaaradaha Salam Air ee laga leeyahay Cumaan ayaa lagu wadaa inay duulimaadyo ku tagto Muqdisho, Soomaaliya, 3-da Sebtembar 2026, taasoo sahlaysa xiriirkii ugu horreeyay ee toos ah oo dhexmara boqortooyada Cumaan iyo dalka Bariga Afrika dhaca ee Soomaaliya.

Shirkadda diyaaradaha ayaa sheegtay in todobaadkiiba laba duulimaad ka bilaabi doonto garoonka diyaaradaha ee Muscat International Airport (MCT) iyo garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho Aden Adde (MGQ).

Sidoo kale shirkada ayaa xustay maalmaha ay sameyn doonto duulimaadka ay kutageyso Soomaaliya.

Diyaada ayaa duulimaadkeeda sameyn dooto maalmaha Khamiista iyo Axada Todobaadkasta, Maalinta Khamiista ah ayey tilmaantay in kasoo kicitami doonto magaaladda Muscat 04:00 ka saac oo galabnimo ayna soo caga dhigandoonto gagida diyaaradaha Aadan Cadde 07:00 saac oo Habeenimo, halka ay dib ulaaban doonto 07:45 daqiiqo marka ay tahay saacada Geeska Afrika, si lamid ahna maalinta Axada ah ayey kasoo kicitami doontaa saacadu marka ay tahay 10;05 daqiiqo oo Subaxnimo halka ay soo caga dhigan doonto 01:05 daqiiqo oo Duhurnimo, halka ay dib ulaaban doonto 13:50.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalka Afaraad ee Afrika oo ay diyaarada Cumaan ee Salaam Air kasameyso duulimaad ay kubiiri doonto dalalka Kenya, Masar iyo Sudan oo iyana dhawaan ay kabilowday duulimaad isku xiraya magaaladda dakada kutaala ee Port Sudan iyo Muscat Oman.

Shirkadan diyaaradeed ayaa guud ahaan duulimaad kaga sameysa 40 goobood oo dhaca Asia, Africa, iyo Europe.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version