MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaanka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo murashaxiinta mucaaradka ee madaxtinimada doorashadda 2026 ayaa maanta magaaladda Muqdisho waxa ay ku yeesheen kulankii koowaad oo qeyb ka ah wadahadalo la filayo in dhowr wareeg yeeshaan asbuucyadda fooda nagus oo hayo.
Is-aragan ayaa dhexmaray madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyeen xubno ka tirsan maamulkiisa oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyo hogaamiyeyaasha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Jubaland, Axmed Madoobe, oo ay wehliyaan madaxwayne hore Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaareyaal hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Khayre iyo Cabdi Faarax Shirdoon.
Kulankan ayaa ka qabsoomay Madaxtooyadda Soomaaliya oo ahayd goob ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe diidanaayeen sababo amni iyo siyaasadeed aawadeed isla markaana diidmadaas awgeed ay labo jeer dib-u-dhaceen furitaanka shirka hase ahaatee is-faham daqiiqadihii ugu dambeeyay yimid ay sababtay in dhinacyadda ay isugu tagaan Villa Soomaaliya.
Sidda ay Arlaadi Media Network u xaqiijiyeen saddex illo wareedyo – oo labo kamid ah labada dhinac kala ah iyo dhinac saddexaad oo madax-banaan – kulankii Khamiista maanta ah qabsoomay ayaa gabigiisa waxaa looga doodey qaddiyada doorashooyinka heer federaal iyo mid dowlad goboleed.
“Ma jirin wax is-faham ah oo laga gaarey dood dheer oo laga yeeshay mawduucan marka laga reebo in la isku afgartey in kulan labaad la isugu soo laabto maalinta Jimcaha gaar ahaan labada duhurnimo kadib Salaadda Jimcaha,” ayuu yiri mid kamid ah dhinacyadda u waramay Arlaadi Media.
Qodobada kale ee la filayo in ay hareeyaan ajendaha wadahadalka loo balansan yahay ama war-murtiyeed soo bixi doono gabagabadda waxaa kamid ah wax ka badalka dastuurka iyadda oo mowqifka mucaaradka yahay in lagu laabto dastuurkii 2012 halka maamulka madaxwayne Xasan Sheekh uu doonayo in uu dhameystiro wallow diidmo xoogan jirto.
Doorashooyinka: federaal iyo goboladda
Sidda illo wareedyo kala duwan ay xaqiijiyeen, qorshaha madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ah in bartamaha ama dhamaadka bisha April uu daadihiyo doorashooyinka goleyaasha degaanka kadib uu doorashooyin heer madaxwayne ka qabto dowlad goboleedyadda.
Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaa ah dowlad goboleedyadda madaxwayneyaasha haatan jooga uu muddo xileedkooda mar hore dhamaadey hase ahaatee haatan xafiisyadda ku fadhiyo heshiis siyaasadeed waxaana muuqanaysa in heshiiska dhexmari kara Villa Soomaaliya iyo Mucaaradka uu khatar ku yahay waayahooda.
Hase ahaatee, lama ogga in mucaaradka ay Madaxwayne Xasan Sheekh ay la qaadan doonan qorshahiisa waana waxa sida weyn looga dhur-sugayo qaabka uu kusoo dhamaan doono wadaxaajoodyadda sii daba-dheeraan doona.
Muddo xileedka hay’adaha federaalka oo ay ku jiraan baarlamaanka iyo madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kala dhamaanaya 15-ka April oo xeer-dejinta ah iyo 15-ka May 2026 oo madaxtooyadda ah. Tani ayaa ka dhigan in muhiim ay tahay heshiiska doorashadda la gaaro kahor mudadaas si looga fogaado firaaq dastuuri ah.
Qaar kamid ah danjireyaasha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho oo Arlaadi Media Network ay si kooban wax uga waydiisay wadahadalka maanta bilowday ayaa u muujiyey soo dhaweyn taxadar leh waxayna hoosta ka xariiqeen in mowqifkooda kama dambeysta ah ay ku jaan-goyn doonan gabagabada wadahadalka oo la filayo todobaadka dambe.
