Home DIBADDA Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan oo beegsaday diyaaradda F-35 ee Maraykanku leeyahay.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan oo beegsaday diyaaradda F-35 ee Maraykanku leeyahay.

0

Dowlada iraan ayaa shaaca ka qaaday beegsiga diyaaradda F-35 ayaada oo u adeegsatay laba nooc oo gantaala ah, Halka Maraykanku uu qirtay in diyaaradda dagaalka lagu qasbay in ay Degitaan degdeg sameeso.

Af-Hayeenka ciidnka taliska dhexe ee dowlada Mareykanka “Tim Hawkins” ayaa shaaca ka qaaday in diyaarada F-35 si nabad ah u soo dagtay sidoo kalena duuliyhii diyaaradaasi xaldiisa caafimaad ay wanaagsan tahay kuna soo degtay mid ka mid ah dalalka bariga dhexe.

Wargayska lagu magacaabo “American Magazine” ayaa shaaca ka qaaday in dowlad iran adeegsaty nidaam difaaceedka lagu magcaabo “Majid” oo ah nidaam difaaceed iran ee gudaheeda ku sameesatay.

Diyaradahaa f-35 oo qiimahooda lagu sheegay in ay ka badan tahay 100 milyan oo dollar ayaa ah mid kamid ah kuwa ugu casrisan oo lagu yaqaano “stealth” radaarka kana dhuumankarto, Gantaalada ayaa la sheegay in kuleelka motorka diyaarada soo raacdo.

Kahor intuusan dagaalakaan bilaaban ayaa dowlada iran lagu sheegay in gantaaladan iyo nidaamayada difaaceed ka heshay dhanka Ruushka , waxayna hishiis gaarayo in ka badan 580 miliyan oo dollar la gashy Bangiga Ruushka kahor dagaalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version