Xaaladda KoonfurGalbeed iyo Xalkeeda:
KoonfurGalbeed waxay wajahaysaa xaalad adag oo ah bur-bur ku yimid nidaamkii iyo kala dambeyntii guud taas oo meesha ka saartay jirtaankii Hay’ad Dowladeed oo sharci ah.
Halka aan ognahay in Hay’adihii Dowladeed; Baarlamaan iyo Madaxtooyaba muddo xileedkoodii dastuuriga ahaa muudo hore la soo dhaafay, taasoo sababtay firaaq Dastuuri ah, Amnigii iyo kala dambeyntiina faraha ka baxday, oo maanta aan ognahay xaaladda muragada leh ee ay ku sugantahay guud ahaan Deegaanadda Dowlad-goboleedka KoonfurGalbeed.
Iyadoo Deegaanadaan awalba abaar ba’an la daala dhacayeen in haddana dadkii dagaal iyo bara-kicin loogu daro waa nasiib daro aad u weyn iyo masuu’liyad daro ay hor kacayaan maamulka fashilmay ee muddo dhaafka ku jooga Baydhabo masuul ka yahay xaaladda maanta aan ku suganahay.
Waxaa sidoo kale masuuliyadda qeyb weyn ka qaadanaya Dowladda Federaalka ah oo maamul waqtigiisa dhacay waxa ay iyagaba sharci u laheyn inaay bixiyaan muddo kordhin aan sharci aheyn kula heshiiyay ninka meesha jooga, taasoo markii horeba aheyd baadil lagu heshiyay; “Ciddii baadil ku heshiisa xaqa ayay ku dirirtaa”, Baadilka wuxuu ahaa muddo kordhintii beenta aheyd, Xaqana wuxuu yahay Doorasho loo dhanyahay oo xor iyo xalaal ah,
Haddaba, arrinta markii ay halkan mareyso maxaa xal noqon kara oo lagu kala badbaadi karaa, maxaa marjac ah oo arrintaas haddaan nahay reer KoonfurGalbeed nooga degsan!
Ma jirtaa meel loo noqon karo, laguna heshiin karo, isla markaasna Dastuurka Galbeed waafaqsan?!
Jawaabta suaashaa waa HAA, Waa jirtaa.
Xalka arrinta taagan ee KoonfurGalbeed, waxay ku jirtaa in loo noqdo Golaha Odayaasha Dhaqanka ee KoonfurGalbeed, sida uu qabo Dastuurka KG, Qodabada kala ah; 59aad,60aad: kuwaas oo tilmaaya haddii ay Xaaldahan oo kale dhacaan in loo noqdo Golaha Odayaasha Dhaqanka, maadaama ay yiihin golaha kali ah ee sharci ku dhisan heshiisna lagu yahay.
Iyaga ayaa hogaanka marxaladdan la wareegaya, waxayna soo dhisayaan Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka, halkaas oo kadibna ay iygu iska soo dhex dooranayaa Guddoonka Golaha wakiilada (Baarlamaanka) Dowladd Goboleedka, kaasoo isagana dowrkiisa ka soo xuli-doona Baarlamaanka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowlad-goboleedka KoonfurGalbeed.
Qodobka 59aad, Faqradiisa koowaad waxay qeexaysaa in: ”Golaha Odayaasha Dhaqanka KGS waa gole dastuuri ah kana Kooban Hogaamiyaasha Dhaqanka beelaha deegaanada KGS”.
Halka Qodobka 60aad uu qeexaayo Wajibaadka Golayaasha Odayaasha Dhaqanka; Qodobka 60aad, faqradiisa (a) waxay qeexaysaa sidatan:
“Ka shaqeynta nabada iyo maslaxada umadda KGS”
Halka isla qodobkan 60aad, faqradiisa (c), waxay tibaaxaysaa sidatan: “Xiligan ku meel gaar ah, Golaha Odayaasha Dhaqanka waxay marjac u noqon karaan markey lasoo gudboonaato xaalad Goloyaasha Dowladda ayna ugu yeertaan goloyaasha ama mid ka mid ah”. Isla qodobkan 60aad, faqradiisa (d) waxay u dhigantahay sidatan: “Golaha Odayaasha Dhaqanka waxay noqon karaan garsoor lagu go’i karo markii loo baahdo” wax maanta loogu baahi badanyahay ma jirto, bal e irid kale oo laga bixi karo oo furan ma jirto oo iyaga aheyn ee Qolaha Dhaqankow doorkiina qaata maanta inta ay arrintu ka sii darin bur-bur guud oo ku yimaada Dowlad-goboleedka dhicin Ilaahay ma qadaree!
Isla qodobkan 60aad faqradiisa (f) ay leedahay in: “sabab kasta ha ku timaadee hadii golaha wakiilada aysan dhisneyn golaha odayaasha dhaqanka ayaa buuxinaaya kaalinta golaha wakiilada”. Waa midda maanta na haysata oo ay noo dhisneyn gole wakiilo oo sharci ah.
Haddaba, Waxaan ku baaqayaa si loo joojiyo Dhiiga daadanaya waa in si deg deg ah loo dhaqan geliyaa qodobkan oo Odayaasha dhaqanka ay qaataan hogaanka, lalana shaqeeyo iyaga, Amnigoodana la sugo si ugu madax banaanaadaan soo xulidda Golaha wakiilada cusub uu yeelanaayo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Isla qodobkan 60aad faqradiisa (g) wuxuu adkaynayaa in: “Golaha Odayaasha Dhaqanka waxaa laga talo galinayaa arrimaha waaweynn ee masiiriga ah markii ay baahi timaado”. Baahi ka weyn middan maanta taagani ma jirto!
Qodobka 61aad; wuxuu ka hadlayaa Xaquuqda iyo Xasaanada Golaha Dhaqanka KGS, wuxuuna tibaaxayaa in: “Xubin kasta waxay leedahay xassanad buuxda, lama xiri karo Lamana baari karo hoygooda iyo jirkooda hadii faldembiyeed Fara kula jirin”. Sidaas darteed waa in Badqabkooda iyo Xasaanadooda loo ilaaliyaa.
Ugu dambeyn, waxaan igu baaqayaa Golaha Odayaasha dhaqanka KG inay masuuliyaddooda taariikhiga iyo Doorkooda maanta lagu sugaayo si loo badbaadiyo Dowladda KoonfurGalbeed oo qarka u saaran inay burburto.
Maamulka Waqtigiisa la soo dhaafay waxaa la gudboon sida ugu dhaqsiyaha badan inta goori goor tahay in ay talada inta yaroo u hartay inay ku wareejiyaan Golaha Odayaasha Dhaqanka sida Dastuurka Xaqa ugu siinaayo marxaladdan oo kale Odayasha Dhaqanka.
Dowladda Federalka ahna waxaa laga rabaa in ay kala shaqeyso Golaha Odayaasha Dhanka KoonfurGalbeed in ay gutaan waajibaadkooda kaga aadan marxaladdan, sidaas ayaa ugu fudud oo xalka uu ku jiraa, wax kasta oo arrintaas baal marsan xal kama keeni karaan xaaladdan murugeysan ee ka taagan Deegaanada KGS.
Dhammaan Daneeyaasha reer KoonfurGalbeed, waxaan ugu baaqayaa inaay taageeraan soo jeedintaan oo aan u arko wada lagu kala badbaadi karo, laguna badbaadin karo Dowlad-goboleedka.
Wa Billahi Tawfiiq.
Waxaa Qoray:Maxamed Cabdullahi Mursal
Wasiirkii hore Madaxtooyada KoonfurGalbeed Soomaaliya
