Warbaahinta Japan ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi, isagoo xaqiijiyay in Tehran ay diyaar u tahay inay u ogolaato maraakiibta Japan inay si nabad ah ku maraan Marinka Hormuz.
Wakaalada “Kyodo” ayaa shaacisay in shalay oo ku beegnayd 20ka March Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi Isagoo khadka telefoonka kula jira shaaca ka qaaday in Tehran bilaawday wadahadalo ay la leedahay Japan oo ku saabsan suurtagalnimada in loo furo Marinka Hormuz.
Jaban ayaa si weyn ugu tiirsan shidaalka ay soo saarto dowlada iran, 90% shidaalka jaban ayaa lagu sheegay in uu soo maro Marinka Hormuz, xiriirkaasi oo si weyn loo xaddiday intii lagu guda jiray dagaalkii iraan iyo mareykanka.
Araghchi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Japan in Iiraan aysan raadinayn kaliya xabbad-joojin, balse ay doonayso in si buuxda loo soo afjaro dagaalka. Wuxuu intaas ku daray in dalkiisu uusan xirin Marinka Hormuz, balse ay xayiraado ku soo rogeen maraakiibta dalalka ku lugta leh weerarrada lagu hayo Iiraan.
