Thursday, June 4, 2026

Xoghayihii Xisbiga JSP Oo Iscasilay, Iyadoo Ay Sii Kordhayaan Xubnaha Kabaxaya Xisbigaas

Share

Muqdisho, Soomaaliya – Xoghayihii xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka JSP xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkii uu kahayay xisbiga JSP.

Iscasilaada xoghaya xisbiga ayaa imaaneysa xilli mar sii horeysay uu isna is casilay kuxigeenkii xisbiga Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ah madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed.

Xisbiga JSP ayaa ah xisbi siyaasadeed ay uu gudoomiye uyahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo lagu dhawaaqay May sanadkii hore 2025 ka.

Iscasilaada ay sameynayaan xubnaha ugu cadcad gydaha xisbiga ayaa kusoo aadeysa xilli horaantii Bishan uu madaxweynaha Soomaaliya saxiixay dastuurka cusub ee ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya iyadoo muddo xileedka madaxweynaha ay kaharsantahay wax kayar 50 maalmood.

Si lamid ah xildhibaan Odowaa iyo madaxweyne Laftagareen waxaa isna garavka madaxweynaha kabaxay agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo isagu qoraalo uu mareegta uu kuleeyahay Facebook kubaahiyay qoraalo uu kudhaliilayo hanaanka uu madaxweynuhu wax uwado, iyadoo ay xusid mudantahay in Sanbaloolshe uu ahaa xubin muhiim u’ah wadahadaladii udhexeeyay Golaha Mustaqbalka iyo Madaxweynaha kudhexmaray dabayaaqada bishii February, isagoo kasoo muuqday safka xubnaha kasocda dowladda federaalka ee wadahadalada qeybta ka ah.

Xildhibaan Odawaa ayaa qaraal uu kudaabacay mareegta uu kuleeyahay Facebook kusheegay in madaxweynuhu isku koobay taladii xisbiga iyo tan dalka.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa kamid ahaa shakhsiyaadkii ugu dhawaa madaxweynaha Soomaaliya muddo kabadan 20 sano, isagoo soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha xukuumadii ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid sanadkii 2015 ka.

Read more

Local News